Home Wararka Caalamka Maxkamad 51 Qof Dil Ku Xukuntay Kadib Dilal ay Geesteen

Maxkamad 51 Qof Dil Ku Xukuntay Kadib Dilal ay Geesteen

0

Maxkamad ku taalla dalka Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa shalay dil ku xakuntay, 51 qof qof.

Dadkan ayaa lala xiriirinayaa dilka khubaro u shaqeynayay Qaramada Midoobay oo la dilay sannadki 2017-kii.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka ayaa ka mid ah dadka lagu xakumay dilka, halka nin korneel ah oo ka mid ah millatariga lagu xakumay 10 sano oo xarig ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dilka lagu xakumay ayuu xakunka ku dhacay iyaga oo maqan.

Dhammaantood ayaa waxaa loo heystaa dilka Zaida Catalan oo u dhalatay Sweden iyo Michael Sharp oo Mareykan ahaa, kuwaasoo la khaarijiyay xilli ay ku guda jireen baaritaan la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo malleeshiyo hubeysan oo ka dagaallanta gobolka dhexe ee Kasai.

Ad
Previous articleWiil Uu dhalay AU engineer Yariisoow oo Dacwad laga Gudbiyay
Next articleBulshada Rayidka oo Sheegtay inay la Baalmaray Habraacyadii Doorashada ee lagu Heshiiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here