Home Wararka Maanta Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Pirkka Tapiola (Sawirro)

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Pirkka Tapiola (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya dalkeenna Mudane Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

 

Ad
Previous articleWilliam Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan Sheekh
Next articleBeele Walaalo oo in Mudo ku Dagaalamaayay Gobalka Mudug Shir Dib u hishiisineed isugu Yimid(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here