Home Wararka Somaliya Galmudug Beele Walaalo oo in Mudo ku Dagaalamaayay Gobalka Mudug Shir Dib u...

Beele Walaalo oo in Mudo ku Dagaalamaayay Gobalka Mudug Shir Dib u hishiisineed isugu Yimid(Sawiro)

0

Kulan Nabadeed oo ay iskugu yimaadeen Beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa maantay ka dhacay degaanka Taarroge ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Kulankaan Nabadeed ayaa waxaa soo agaasimay dhaqanka Beesha Sacad waxayna raali galin ka bixiyeen dhacdo maalmo ka hor ka dhacay Deegaanka Taaroge

Dhaqanka labada dhinac ayaa isla qaatay inay ka wada-shaqeeyaan Amniga Deegaanka iyo daris wanaaga Beelahaasi waxayna adkeeyeen in lasii wado Heshiiskii Nabadeed ee Bandiiradleey iyo Galdogob 2020

Agaasimaha Nabadda iyo dib u heshiinta Gobolka mudug C/raxiin Maxamed Cali ayaa ku amaanay dhaqanka, Waxgaradka,Dhalinyarada iyo Culimada Deegaanka ee Beelaha Sacad iyo Leelkase siday u wada qaateen Xoojinta Amniga, Wada noolaashaha Bulshada walaalaha ah iyo xariirka soo jireenka ah ee Beelahaas waxuuna tilmaamay in Maamulka Gobolka mudug dhiiro galinayo Amniga Gobolka mudug iyo wada nolaashaha Bulshada Galmudug iyo Puntland.

Ad
Previous articleMaxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Pirkka Tapiola (Sawirro)
Next articleFaahfaahin: Dagaal khasaaro Badan Gaystay oo Markale Alshabaab iyo Macawisleeyda Dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here