Home Wararka Maanta William Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan...

William Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya io xiriirka kala dhaxeeya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto oo wareysi siiyey taleefishinka CNN ayaa xaaladda Soomaaliya ku qeexay “mid cakiran oo ay adag tahay in la bixiyo,” sida uu hadalka u dhigay, balse rajo ka muujiyey inay wada shaqeyn karaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto ayaa sheegay inuu horey ula shaqeeyey madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya xilligii uu Xasan Sheekh dalka madax ka ahaa muddo xileedkiisii koowaad.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soomaaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iyadu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Ruto oo la doortay 9-kii August ayey Maxkamadda Sare ee Kenya waxay doorashadiisa ayidday Isniintii kadib ku dhowaad muddo bil ah oo uu horyaallay kiis uu natiijada doorashada kaga horyimid musharaxii laga adkaaday ee Raila Odinga.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-gali doono caleemo-saarka madaxweyne Ruto oo Nairobi ka dhacay 13-ka September, lana filayo inuu wadahadal gaar ah la yeesho.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la doortay kadib tegay Nairobi halkaasi oo heshiis uu kula saxiixday Uhuru Kenyatta.

Heshiiskaas ayey Soomaaliya dib ugu soo celisay qaadkii Kenya ee uu Farmaajo xanibay, halka la sheegay in Soomaaliya ay Kenya u dhoofin doonto kalluun taasi oo aan weli dhicin.

Waxaa hadda muuqata in cidda kaliya ee heshiiskaas ka faa’iiday ay tahay Kenya iyo shaqsiyaad iyo ganacsato ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo loo xiray qaadka Kenya.

 

 

 

 

Ad
Previous articleSawiro:- Gudiga Jaaliyada Galmudug oo kulan la yeeshay xubin ka mid ah Barlamaanka Finland
Next articleMaxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Pirkka Tapiola (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here