Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Maxkamad ku taalla magaalada Baydhabo ayaa xukun 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday xubin ka tirsana Al-Shabaab

Maxamed Cali Xasan (Nasrudiin) ayaa Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kaga biiray kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamada,

Waxaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab qaraxyada kala shaqayn jiray, si gaar ahna tuurida bambo gacmeedyo lagu weeraray xaafadaha Magaalada Baydhabo qaarkood.

“Xaafada Bunbashar ayay 27/10/2022 ee sanadkan ciidanka nabad sugidu iyo Sirdoonka konfur galbeed ka soo Qabteen isagoo bam ku tuuray goob ay ciidanka amaanku joogeen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maxkamada.