Home Wararka Maanta Dagaal Xubno badan looga dilay Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Ceel...

Dagaal Xubno badan looga dilay Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Ceel Dheere

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa deegaanka Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel Dheere oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka oo bilowday shalay galinkii dambe ayaa socday ilaa xalay, waxaana dagaalka uu yimid kaddib markii Al Shabaab weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka goob ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ku sugan furinta dagaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab ku jabiyeen dagaalka kuna gaarsiiyeen khasaaro aad u badan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in Al Shabaab dagaalkaasi uga dileen ilaa 20-dagaalyahan kuwa kalana uga dhaawaceen, waxa uuna sheegay in ay soo bandhigayaan meydadka xubnaha Al Shabaab ee dagaalka ku dileen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa qorsheenaya duullaan ay ku qabsadaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , duullaankaasi ayaana qorshaha yahay in laga qaado labo jiho oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ad
Previous articleMaxamed Cali Xasan (Nasrudiin oo Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)
Next articleErdogan oo ka hadlay weeraro ciidamada Cirka uga jawaaben Qaraxyadii ka Dhacay Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here