Home Wararka Maanta Mareykanka oo ku baaqay in la kala diro ciidamada gaarka ah ee...

Mareykanka oo ku baaqay in la kala diro ciidamada gaarka ah ee Maxamed Bin Salmaan

0

Mareykanka ayaa ugu baaqay Sacuudi Carabiya inay kala dirto ciidamo si gaar ah u tababaran oo uu maamulo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sirdoonka Mareykanka ay soo saareen warbixin sheegeysa in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Xukuumadda Biden waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ku saabsan in wax cunaqabateyn uusan kusoo rogin dhaxal sugaha.

Afahayeen u hadlay wasaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in Sucuudiga uu kala diro ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka amar qaata Maxamed Bin Salmaan isla markaana la joojiyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka.

Wuxuu intaas ku daray in cunaqabateyn lagu soo rogay kalkaaliyaasha dhaxal sugaha iyo ciidamadiisa gaarka ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo Sheegay waxa uu salka ku haayo khilaafka dowladda & Puntland
Next articleBeesha Caalamka oo soo dhaweysay Heshiiskii Musharaxiinta iyo Xukumada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here