Home Wararka Somaliya Madaxweyne Deni oo Sheegay waxa uu salka ku haayo khilaafka dowladda &...

Madaxweyne Deni oo Sheegay waxa uu salka ku haayo khilaafka dowladda & Puntland

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntlan d Saciid Cabdullaahi deni ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha soo cel celiya khilaafka soo laab laabtay ee ka dhaxeeya dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay uusan jirin khilaaf rasmi ah oo u dhaxeeya dowladda & Maamulka Puntland, hayeeshee ay diidan yihiin nidaamka siyaasiga ah ee uu dalka ku maamulayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Deni oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu sheegay in  Puntland ay wda-shaqyen la leedahaya hay’adaha kale ee dowladda, balse kaliya Puntland ay iidan tahay barnamijka siyaasiga ah ee Maxamed Cabdullahi farmaao uu ku hagayay dalka.

“ Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo waxa Puntladn iyo dowladda Federaalka isku haayaan, laakin waxaan idiin cadeynayaa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu diidan yahay nidaamka federaalka ah, sidoo kalena dowladda uu hoggaaminayay ay sharc darro ku meel marisay shuruucyo.

Ad
Previous articleMaxay tahay Halista Caafimaad ee ka Jirta Garoonka Aadan Cadde
Next articleMareykanka oo ku baaqay in la kala diro ciidamada gaarka ah ee Maxamed Bin Salmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here