Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Heshiiskii Musharaxiinta iyo Xukumada

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Heshiiskii Musharaxiinta iyo Xukumada

0

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeysay sii socoshada wada hadalada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, kaddib shirkii 25 bishii Febraayo ee guusha ku soo dhammaaday, waxaana ay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Inkastoo Beesha Caalamka aanay xusin baaqii xalay ka soo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga dhammaaday Farmaajo ee ahaa in 4 bishan la isugu yimaado Shir ayaa waxay haddana ku booriyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay qabtaan shir madaxeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Xalay ayay Muqdisho Heshiis rasmi ah u wada gaareen Musharaxiinta iyo Xukuumada, waxaana Heshiiskaasi dhigayay in Dowladda iyo Mucaaradkaba  ay wada qabtaan Banaanbax.

Beesha Caalamka ayaa si wanaagsan usoo  dhaweysay Tilaabadii ay ku Heshiiyeen Musharaxiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Soomaaliya

Ad
Previous articleMareykanka oo ku baaqay in la kala diro ciidamada gaarka ah ee Maxamed Bin Salmaan
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus ujeediyay Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here