Home Wararka Maanta Mareykanka oo balanqaaday inuu Somaliya ka Caawinayo Dagaalka Shabaab

Mareykanka oo balanqaaday inuu Somaliya ka Caawinayo Dagaalka Shabaab

0

Donald Trump, ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay Soomaaliya gacan ka siin doonto la dagaalanka argagixisada, isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay Xuutiyiinta oo uu ka cabsi qabo in ay Soomaaliya xeryo ka samaystaan.

Trump oo hadda dagaal gaar ah kula jira kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo weerarro u geystay maraakiibta Israa’iil iyo reer Galbeedka, ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii Xuutiyiintu aysan dhulkooda uga dhigan lahayn saldhig.

“Waanu taageeri doona dadka Soomaalida, umana ogolaan doono in Xuutiyiintu ay dhulkooda xero ka dhigtaan, si aanu usoo afjarno argagixisada, oo aanu waddankooda uga dhigno mid barwaaqo ah,” ayuu yidhi Trump.

Waxa uu sheegay in ciidamada cirka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay geesiyaal mar la arag ah, ay cadaaladda hor keeni doonaan kooxaha xagjirka ah, sidii ay hore ugu cirib tireen  kooxdii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq muddo xilleedkiisii hore.

Dhanka kale, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Carab, ayaa soo dhaweeyay taageerada dowladda Maraykanka, isaga oo sheegay in kooxaha xagjirka ah lagaga adkaan karo oo keliya iskaashi buuxa.

“Aad ayuu u mahadsan yahay Madaxweyne Trump taageerada cad. Iskaashigan qiimo weyn buu ugu fadhiyaa Soomaaliya. Wadajir ayaynu wax kaga qaban karnaa argagixisada, oo aynu ku tirtiri karnaa khataraha sida Xuutiyiinta, si aynu Geeska Afrika ugu dhalino xasilooni dhab ah,” ayuu yidhi Danjire Daahir Carab.

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyay duqaymo la beegsatay kooxaha Xuutiyiinta, Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in saldhigga ugu weyn ee Daacish uu ku yaallo Soomaaliya, kaasi oo dhawaan ay dagaallo is-daba joog ah ku naafeeyeen ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Wardoonta Maraykanka ayaa sheegay in xidhiidh ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo ah garab ka tirsan Al-Qaacida, waxaana laga cabsi qabaa in Xuutiyiinta oo garabsanaya dowladda Iiraan ay saanad milatari oo xoog leh u gudbiyeen Al-Shabaab.

Sida ay dhawaan qortay New York Times, saraakiisha Aqalka Cad ayaa isku maandhaafsan sida loo wajahayo xaaladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in argagixisadu khatar ku hayso magaalada Muqdisho. Hadalka Trump ayaa u muuqda mid muujinaya in Washington ay go’aansatay inay sii waddo taageeradeeda la dagaalanka xagjirnimada.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Mareykanka u badhigtay Dekado uu Isticmaalo
Next articleMadaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah