Home Wararka Maanta Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

0

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo deris wanaag shuruud la’aan ah.

Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku baaqayeen nabad, isagoona tilmaamay in hadda kadib aysan ogolaan doonin nabad wax u dhimeysa jiritaanka maamulka SSC Khaatumo.

“Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada,” ayuu yiri Madaxweynaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka iney qaadato doorkeeda ku aadan wada hadalada nabada ee Somaliland iyo SSC Khaatumo.

“Xukuumadda Danqaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ugu baaqaynaa iney qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dowlado shisheeeye qaadan lahaayeen, ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso, Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan  rajaynaynaa” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.

Hadalkaan kasoo yeeray Cabdulqaadir Firdhiye ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay uu shaaciyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre in SSC Khaatumo ka mid tahay dowlad goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo balanqaaday inuu Somaliya ka Caawinayo Dagaalka Shabaab
Next articleDowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka