Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Mareykanka u badhigtay Dekado uu Isticmaalo

Dowlada Somaliya oo Mareykanka u badhigtay Dekado uu Isticmaalo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka u soo bandhigtay in uu la wareego maamulka dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, xilli ay dadaal ugu jirto sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ‘Cali Balcad’, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in ay Maraykanka u soo bandhigeen isticmaalka dekedahan.

Sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad, dowladda Soomaaliya waxay Maraykanka ka codsatay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis ay Soomaaliya iyo Maraykanku gaadheen 1980-meeyadii, kaas oo u ogolaanayay Washington in ay isticmaasho dekedahan iyo garoonka milatariga ee magaalada Berbera.

Waxaan hadda ka codsanay Maraykanka in la cusboonaysiiyo heshiiskaas ku saabsan isticmaalka saddexda dekadood, haddii ay kuwo kale u baahdaan, way isticmaali karaan. Waa xeelad aan ku doonayno in aan ugu dhowaanno Maraykanka, sababtoo ah Maraykanku waa u muhiim dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, taageeradiisana aad ayaan ugu baahannahay, hadda na wuu na taageeraa,” ayuu yidhi Cali Balcad.

Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowaan baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, taas oo uu kaga codsaday in Washington ay la wareegto maamulka dekedaha iyo garoomada Berbera iyo Boosaaso, beddelkeedana aysan aanu aqoonsan Somaliland

Hase yeeshee marka laga yimaado yaboohda dowladda Soomaaliya ay u samaysay Maraykanka, gacanta kuma hayso maamulka dekedaha Berbera iyo Kismaayo ee uu Wasiir Cali Balcad xusay. Berbera waxay ku taallaa Somaliland oo 34 sano ka hor sheegtay inay ka go’day Soomaaliya, halka Kismaayo ay ku taallo Jubbaland, oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn dowladda dhexe.

Dowladda Maraykanka weli kamay jawaabin codsiga Soomaaliya, waxaana J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika, isla markaana ka mid ah dadka aadka ugu dhow Trump, uu sheegay in Soomaaliya ay ku yaboohday dekedo ayna maamulin, taas oo uu ku tilmaamay arrin yasitaan ku ah caqliga dadka Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, oo wareysi siiyay The New York Times, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala xaajoon karo oo leh maskax ganacsi, isaga oo sheegay in dib u doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta. Hadalkan ayaa loo fasirtay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Maraykanka siiso saldhig ciidan si ay uga hesho aqoonsi rasmi ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze
Next articleMareykanka oo balanqaaday inuu Somaliya ka Caawinayo Dagaalka Shabaab