Home Wararka Maanta Magaalo ku taalla Soomaaliya oo ay ku riyoodaan ciyaartoyda dunida

Magaalo ku taalla Soomaaliya oo ay ku riyoodaan ciyaartoyda dunida

0

Waxaa jirta ciyaar magaceedu yahay kitesurfing oo biyaha badda lagu sameeyo, taasoo aan lahayn magac Soomaali ah maadaama aysan Soomaalidu ciyaarin hadda.

Balse waxay la mid tahay aabiteyda carruurtu ciyaaraan oo weyn, lehna xargo iyo suuman uu qof weyn xiran karo iyo loox loogu tala galay in lagu istaago, kaas oo biyaha dul sabbaynaya.

Ciyaartan ayaa lagu dul ciyaaraa biyaha badda, waxayna u baahan tahay dabayl awood fiican leh si ay u jiiddo aabiteyda, qofka iyo qalabkiisaba. Waa ciyaar damaashaad ah, waxaana laga jecel yahay adduunka oo dhan.

Waxa ay ka mid tahay ciyaaraha sababa in ay aad u safraan dadka ciyaara. Sabatuna waxay tahay, dabayl awood fiican leh iyo meel ku habboon ciyaartan lamaba heli karo mar walba. Waxaa laga shaqeynayaa in Ciyaartan lagu soo daro ciyaaraha olimbikada adduunka.

Sideen ku ogaaday in ciyaartan lagu ciyaari karo meel Soomaaliya ka mid ah?

Waxaan safar shaqo ah ku joogay waddanka Sri Lanka oo ku yaalla koonfurta Aasiya, waa dal jasiirad ah, derisna la ah dalka Hindiya. Hoteel aan degganaa ayaa waxaan kula kulmay nin ka mid ahaa dadkii degganaa hoteelka.

Salaan ka dib waxaan is weydiinnay meesha uu qof walba ka yimid. Wuxuu ii sheegay inuu ka yimid Talyaaniga balse uu u badan yahay Aasiya. Anigana waxaan u sheegay in aan ka imid Soomaaliya. Intaas markaan u sheegay buu ninkii is baddalay oo wuxuu muujiyay farxad, wuxuuna ii sheegay in uu raadinayay qof Soomaali ah oo uu la kulmo.

Magaciisu waa Stefano Cavallucci. Waa macallin ciyaarta Kitesurfing ka ah, wuxuuna ii sheegay in uu Soomaaliya kor kala socdo xaaladdeeda, wuxuuna ii soo tiriyay magaalooyinka Puntland sida Boosaaso, Caluula, Xaafuun iyo kuwa kale.

Aad baan ula dhacay aqoonta dalkayga uu u lahaa. Waxaan u sheegay in aan markaa ka imid magaalada Boosaaso.

 

Stefano wuxuu ii sharxay sababta uu u bartay magaalooyinka Soomaaliya ee Puntland ku yaalla. Wuxuu sidoo kale iiga warramay ciyaaraha noocan ah iyo dadka ciyaara sida ay u xiiseeyaan iyo meelaha ugu badan dunida ee loo tago in lagu ciyaaro.

 

Macallin Stefano wuxuu lasoo baxay kumbuyuutarkiisa, wuxuuna iisoo saaray khariidadda Soomaaliya. Wuxuu yiri isaga oo tilmaamaya magaalada Xaafuun, “Qof walba oo ciyaara ciyaartan wuxuu ku riyoodaa in uu tago magaaladan,” ayuu yiri.

Aniga indhaha ayaan si fiican u kala furtay, waxaana ugu jawaabay, “Ma dhab baa hadalkaagu, si fiican iigu sharrax’’.

Ciyaartan waxay u baahan tahay dabayl xawaaraheedu gaarayo 22 kiiloometer saacaddii. Adduunka waxaa ku yaalla meelo cayiman oo laga heli karo dabayl xawaarahaas leh.

Balse Xaafuun ayaa waxay mucjiso ku dhigtay in ay leedahay intii loo baahnaa ka badan oo haddana aan baaqanaynin guud ahaan sanadka oo dhan. Wuxuu ii sheegay in aan meel kale oo adduunka dushiisa ah aan laga heleynin fursaddaas.

Stefano ayaa dadaal aad u badan ku sameeyay in ay Soomaaliya yeelato goob dalxiis oo lagu ciyaaro tartamada la xiriira ciyaartan.

Wuxuu ii sheegay in uu xiriir la sameeyay wasaaradda dalxiiska ee Puntland.

Wuxuu yiri, “Waxaan u diray email, waan u sharraxay mashruuca aan watay oo ahaa in goobtaas laga shaqaysiiyo. Waa ay iisoo jawaabeen, waxayna iiga mahad celiyeen xiisaha aan u muujiyay mashruucaas. Wax kalena maysan ii sheegin. Muddo ka dib ayaan ku celiyay email balse ma aysan ii soo jawaabin.”

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)
Next articleDowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here