Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay

Dowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay

0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga digtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents) inay xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaagaan Kooxda Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay canshuur ka qaadayay shixnadaha ganacsi ee laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho.

Shirkaddaha ka howlgala Dekedaha ayaa la faray in ciddii lagu helo falalka nuucaan ah loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Argagixisada, lagana qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareegayo ganacsigooda.

Arrintan ayaa daba socota walaaca uu todobaadkan muujiyay wasiirrka ganacsiga Soomaaliya oo sheegay in Shabaab helaan xogta shixnadaha saaran maraakiibta inta aysan soo dagin oo ay dakada ka qaadan ganacsatada, iyagoo Shabaab camshuurohooda sal uga dhiga xadiga alaabaha maraakiibta saaran.

Ad
Previous articleMagaalo ku taalla Soomaaliya oo ay ku riyoodaan ciyaartoyda dunida
Next articleWiil Soomaali ah oo Dad ku laayay Dalka Jarmalka Oo Gacanta Lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here