Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda Al Shabaab.

Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda federaalka.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku tago magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

  

Ad
Previous articleXayeysiiska Gabar Xijaaban oo Muran ka dhalisay Dalka Sweden
Next articleMagaalo ku taalla Soomaaliya oo ay ku riyoodaan ciyaartoyda dunida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here