Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Saacadaha Soosocda Xilka Qaadis iyo magacaabis samayn ...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Saacadaha Soosocda Xilka Qaadis iyo magacaabis samayn Doona

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud saacadaha soo socda sameyn doono xil ka qaadis iyo magacaabis xilal.

Sida aan xogaha ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xil ka qaadis ku sameenaya qaar kamid ah guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir , halka uu magacaabi doono kuwa cusub oo bedelaya.

Xafiiska  Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in lagu diyaariyay magacyada masuuliyiinta xilalka laga qaadayo iyo kuwa cusub ee la magacaabayo, waxaana la filayaa in si rasmi ah madaxtooyada u shaaciso magacaabista iyo xil ka qaadista.

Masuuliyiinta xilalka laga qaadayo ayaa waxaa kamid ah guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Maamulka iyo maaliyada Cabdiqaadir Caanaboore, guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Cali Yare, iyo guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Basma Shakeeti.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye kuxigeenka 1aad ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir loo magacaabayo Ciise Guure, halka guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda loo magacaabayo Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale laga yaabaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda isbadal ku sameeyo taliyaasha ciidamada qalabka sida gaar ahaan milatariga, booliiska iyo asluubta.

Ad
Previous articleXildhibaan Maxamed Nuur Shekh Cadde oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay
Next articleMadaxweynaha Koofur Galbeed Oo Magacaabay Wasiirka Cadaalada Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here