Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Magacaabay Wasiirka Cadaalada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Magacaabay Wasiirka Cadaalada Maamulkaasi.

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta magacaabay xilka wasiirka cadaalada maamulkaasi oo banaanaa mudo ku dhow afar bilood.

Sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa loo magacaabay xilkan, kadib latashiyo uu maalmahan waday madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa wasiirka cusub faray inuu laba jibaaro shaqada wasaarada, isla mar ahaantaasina uu si deg deg ah xilkan ula wareego.

Si kastaba, Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa 29-kii July ee sanadan lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba, iyadoo wixii intaasi ka danbeeyay uu iska banaanaa booskan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Saacadaha Soosocda Xilka Qaadis iyo magacaabis samayn Doona
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn dagaal”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here