Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaan Maxamed Nuur Shekh Cadde oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Xildhibaan Maxamed Nuur Shekh Cadde oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed ahna Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuum xildhibaan Maxamed Nuur uu kaalin ku lahaa Dowlad dhiska Nabadaynta Bulshada iyo ukaalmaynta Dadka Danyarta ah.

“inalilaahi waina ileeyhi raajicuun waxaan ehelka,qaraabada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ugu tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid alle haunaxaristee marxuum Maxamed nuur Shekh Cade oo ahaa Wasiir hore iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed,Marxuum Maxamed Nuur ayaa door Wanaagsan ku lahaa ka shaqaynta Dowlad dhiska,Nabadaynta Bulshada iyo uadeegida dadka danyarta ah” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ad
Previous articleLafta Gareen oo dalab culus u gudbiyey howlgalka ATMIS
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Saacadaha Soosocda Xilka Qaadis iyo magacaabis samayn Doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here