Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo casuumay Midowga Musharixiinta oo Mudo isku Saf ahaayeen(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo casuumay Midowga Musharixiinta oo Mudo isku Saf ahaayeen(Sawiro)

0

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa casuummad u sameeyay qaar kamid ah saaxiibadiisii ay kawada tirsanaayeen Gollaha Midowga musharaxiinta Mucaaradka.

Xasan Sheekh oo 15-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay saaxiibadiisa siyaasada kana wada tirsanaayeen musharaxiintii mucaaradka sida ay gacanta uga geesteen guusha uu gaaray.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta uu la kulmay u sheegay in la’aantood uusan guul gaareen , waxa uuna ku ammaanay sidii ay u garab istaageen intii ay doorashada socotay iyo sida ay uga dhabeeyeen heshiiskoodii ahaa in dalka hoggaankiisa isbadal ku yimaado.

Musharaxiintan ayaa qaarkood oo ku haray wareegyadii koobaad iyo labaad waxa ay cododka xildhibaanadii taageersanaa u wareejiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh ,taa oo horseeday in Farmaajo si weyn uga adkaado Madaxweynaha la doortay.

Ad
Previous article4 Qodob oo Farmaajo Waligiis lagu Xasuusan Doono(Akhriso)
Next articleLataliyaha Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Horyimid War kasoo Baxay Villa Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here