Home Wararka Maanta Lataliyaha Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Horyimid War kasoo Baxay Villa Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Horyimid War kasoo Baxay Villa Soomaaliya

0

Sida aan ogaanay, la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa diiday qeyb ka mid ah qoraal uu shalay baahiyey xafiiska Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo si khaldan u dhigay jagada madaxweynaha cusub.

Erayga ku jiray qoraalkii ay shalay baahisay Villa Somalia ayaa ahaa (Madaxweynaha dooran), taas oo sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah muran badan abuurtay. Markii laga soo tago in qoraalkaan ugu horeyntii lagu baahiyey bogga Villa Somalia, sidoo kale waxaa sidiisa u qaadatay oo baahisay warbaahinta dowladda.

Xubno ka tirsan la-teliyayaasha madaxweyne Xasan ayaa la xiriiray kooxda warfaafinta madaxweyne Farmaajo una sheegay inay saxaan cinwaanka, oo ay ka dhigaan “Madaxweynaha Soomaalia.”

Maadaama madaxweyne Xasan Sheekh lagu hor-dhaariyey baarlamanka, waa madaxweynaha saxda ee dalka, kamana dhigna inuusan joogin Villa Somalia in loogu yeero “madaxweynaha dooran,” sababtoo ah wuxuu fursad u siinayaa madaxweyne Farmaajo inuu ka guuro.

Dhinaca kale, wasaaradda warfaafinta ayaa howlwadeenna warbaahinta qaranka ku amray inay bedalaan erayga (Madaxweynaha dooran) maadaama uu Xasan Sheekh yahay Madaxweyne sharci ah oo xilkiisa loo dhaariyey habeenkii la doortay.

Qoraalka uu ku jiray eragaas ee xafiiska Farmaajo uu baahiyey ayaa u dhignaa sidaan, “Madaxtooyada Qaranka ayaa u guddoontay Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.”
Wixii markaas ka dambeeyey warfaafinta Villa Somalia ayaa joojisay inay madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeraan ‘madaxweynaha dooran’, waxayna u beddeleen madaxweyne Xasan ama madaxweynaha Soomaaliya.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo casuumay Midowga Musharixiinta oo Mudo isku Saf ahaayeen(Sawiro)
Next articleDeni oo Waayay Codadka Xildhibaanada Jubaland Habeenkii Axada Iyo Sababta oo la Ogaaday(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here