Home Wararka Maanta 4 Qodob oo Farmaajo Waligiis lagu Xasuusan Doono(Akhriso)

4 Qodob oo Farmaajo Waligiis lagu Xasuusan Doono(Akhriso)

0

15-kii May doorasho dhacday ayaa xilka madaxweynenimada lagaga guuleystay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkasta oo uu xafiiska banaynayo maalmo kadib, haddane waxa uu ka tagay xusuuso badan oo qaarkood ay tahay in madaxweynaha badela uu xal ka gaaro, qaarkoodna ay noqon doonaan kuwa taariikhda ku astaysan. Qaar ka mid ah xusuusaha ayaa ah kuwa wanaagsan oo ay tahay in madaxweynaha cusub uu halkoodii kasii wadi doono.

Haddaba waxaan halkan kusoo koobaynaa shan arrimood oo si weyn loogu xusuusto

Mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda

Inkasta oo dalka Soomaaliya uu sameeynayay kobac xagga dhaqaalaha, horumarka iyo dowladnimada marba marka ka dambeysa, haddane Maxamed Farmaajo waxa uu ku astaysanyahay, aadna loogu xusuusan doono joogtaynta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

Muddo Kororsi

Bishii April ee sanadkii hore ayuu Golaha Shacabka ansixiyay labo sano oo muddo kororsi ah oo loogu daray hay’adaha dowladda oo uu ka midyahay madaxweynaha.

Arrintan ayaa timid kadib markii muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday 8-dii feberaayo ee sanadkaas, aysana jirin wax qorshe ah oo meel ool ahaa oo doorasho lagu qabanayay.

Eryiddii Haysom

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii, dowladda Soomaaliya ayaa warqad in uu dalka ka baxa ah u jartay ergeygii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Warqaddan waxaa qortay wasaaradda arrimaha dibedda kadib markii Haysom uu warqad u direy wasaaradda arrimaha gudaha, taas oo la xiriirtay rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo oo la xiriirtay doorasho halkaasi lagu qabanayay.

Dhiibistii Qalbi Dhagax

Malaha wixii ugu weynaa ee lagu xusuusan doono xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo dhiibay sanadkii 2017-kii.

“Markii ay NISA la wareegtay anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo” ayuu yiri Maxamed Daahir oo ahaa sargaal ka tirsan ONLF oo BBC-da la hadlay.

 

 

 

 

 

 

 

Ad
Previous article4 qodob oo uu ballan qaaday Xasan Sheekh ka hor inta aan la dooran
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo casuumay Midowga Musharixiinta oo Mudo isku Saf ahaayeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here