Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo Shir Guudoomiyay Shirka Degmooyinka Galmudug(Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo Shir Guudoomiyay Shirka Degmooyinka Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib uheshiisiinta, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaasha Ciidamada, Gudoonka Gobolada
Mudug iyo Galgaduud iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha sanadlaha ee kobcinta dowladaha hoose, horumarka laga sameeyay dowladaha hoose iyo sidii loo dhamaystiri lahaa.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayna kula dardaarmay Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay xoojiso dadaalada loogu jiro fulinta qorshaha horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horayso dhamaystirka golayaashaa deegaanka.

 

Ad
Previous articleXassan Shiikh oo Magacaabay la Taliyaal Cusub ( Akhriso Liiska Magacyada )
Next articleTurkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here