Home Wararka Caalamka Turkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish

Turkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish

0

Saraakiisha sare ee Turkiga ayaa ku dhawaaqay in hogaamiyaha cusub ee dowladda Islaamiga ah lagu xiray Istanbul, sida laga soo xigtay  Bloomberg .

Saraakiishan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiga arrintan ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo kuwa sirdoonku ay xireen nin ay aaminsan yihiin in uu hogaamiyo Daacish tan iyo markii hogaamiyihii hore la dilay bishii February ee lasoo dhaafay.

Shabakadda wararka ee “OdaTV” ee Turkiga ayaa sheegtay in maxbuusku yahay Abu al-Hassan al-Quraishi, iyadoo aan la sheegin sida lagu helay xogta, waxayna isku mid tahay magaca hoggaamiyaha ururka oo ay shaaciyeen warbixinno saxaafadeed bilihii la soo dhaafay.

Bloomberg ayaa awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso aqoonsiga ninka ay hayaan masuuliyiinta Turkiga.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Shir Guudoomiyay Shirka Degmooyinka Galmudug(Sawiro)
Next articleDhageyso: Gaas oo ka hadlay Raisal Wasaaraha Cusub ee Somaliya iyo Cida Noqoneysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here