Home Wararka Maanta Madaxweyne Kabore oo Xabsiga La Dhigay

Madaxweyne Kabore oo Xabsiga La Dhigay

0

Madaxweynihii dalka Burkina Faso Roch Kabore maanta lagu xiray saldhig militari, kaddib marki ay askar ka tirsan ciidanka kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou sida ay sheegeen Diblamaasiyiinta Galbeedka Afrika iyo ilo-wareedyo militari.

Xarigiisa ayaa yimid ka dib markii ay habeenkii Axadda oo dhami rasaas xoogan ka dhaceysay xeryo ciidan oo ku yaala dalkaasi dhaca Galbeedka Afrika, iyadoo askartu ay dalbanayeen in taageero dheeraad ah laga siiyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Dawladda waa ay beenisay in ciidanku ay talada xoog kula wareegeen.

Waxaanan si dhab ah loo ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay madaxweyne Kabore Isniinta maanta ah, iyadoo ay iska soo daba dhacayaan warar is qilaafsan oo ka imanaya dhinacyada millatariga iyo diblamaasiyiinta.

Gawaarida gaashaaman oo dhowr ah oo ay wateen ciidamada ilaalada madaxtooyada oo ay ka buuxaan rasaas ayaa lagu arkayaa agagaarka guriga madaxweynaha.

Mid ka mid ah baabuurta ayaa waxaa ka muuqday wax u eg dhiig. Dadka deggan xaafadda ay ku taallo madaxtooyada ayaa soo sheegay in xalay oo dhan maqlayeen rasaas xoogan.

Saddex baabuur oo ah kuwa gaashaaman iyo ciidamo ay wajiyada u duuban yihiin ayaa la dhigay bannaanka hore ee xarunta warbaahinta Dowladda. Waxaanan wali suura-gelin in la helo ilo-wareeyada dowladda si loo helo war rasmi ah.

Kabore ayaa bilihii la soo dhaafay wajahayey mowjado dibadbaxyo ah, kaddib marki ay shacabka ka niyad-jabeen dilalka joogtada ah ee ay ay kooxaha mintidiinta ah u geysanayaan dadka rayidka ah iyo askarta, mintidiintaas oo xiriir la leh Daacish iyo Al Qaacida.

Weerar ay kooxahaasi bishii November ku qaadeen saldhig ciidanka militarigu ay ku leeyihiin magaalada Inata, ee waqooyiga gobolka Soum, ayay ku dileen 49 askari oo ka tirsanaa booliiska iyo militariga iyo afar qof oo rayid ahaa.

Qalalaasaha ka taagan Burkina Faso ayaa yimid kaddib markii 18-kii bilood ee la soo dhaafay ay dalalka Mali iyo Guinea ee isla Galbeedka Afrika ka dhaceen, afganbiyo ay sameeyeen militariga labada dal.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo Beri Tagi Doona Magaalada Baladweyne Tan iyo Doorashadiisi
Next articleGalmudug oo Shaacisay Odayaasha Soo Xuli laha Ergada Soo Dooranaysa 4 Kursi oo uu Ku jiro Kursiga Saadaq Joon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here