Home Wararka Maanta Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Deegaan Dhawaan laga Saraay Alshabaab Fariin Adagna...

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Deegaan Dhawaan laga Saraay Alshabaab Fariin Adagna Diray

0

Cali Guudlaawe Oo Farriin U Diray Bulshada Deganada Dhawaan Al-Shabaab Lagala Wareegay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Guulane oo dhowaan laga saaray Alshabaab.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulshada deegaanadaan ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalada lagula jira AL-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaankaan Guulane loona baahan yahay in la dhameystiro howlgallada culus ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada geesiyaasha iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Ad
Previous articleCiidamada ATMIS oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolada dalka
Next articleDowlada oo Alshabaab ka Dishay 31 Dagaalyahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here