Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee...

Ciidamada ATMIS oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolada dalka

0

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa mar kale xaqiijiyay in ay ka go’an tahay gudashada waajibaadkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya ee waddada nabadda iyo xasilloonida.

Mohammed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono la-hawlgalayaasha si loo sugo ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab.

“Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha ATMIS, militariga, booliiska, iyo rayidka, waxaan mar kale ku celinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan si dhow ula shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Souef ku yiri hadal uu ka soo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ergeyga Midowga Afrika oo ka hadlay mar uu martigeliyay diblomaasiyiin shisheeye, wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan dhammaan bah-wadaagta la ah Soomaaliya si ay u taageeraan dadaallada ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya si ay faa’iido ugu jirto Soomaaliya.

“Waxaan ballan qaadayaa taageerada aan loo meel dayin iyo sida ay iga go’an tahay in aan si dhow ula shaqeeyo dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Souef.

ATMIS waa howlgalka taageerada nabada ee Afrika si loo yareeyo khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon, iyaga oo aan Ciidanka ATMIS bilihii la soo dhaafay qeyb ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degmada Cabudwaaq
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Deegaan Dhawaan laga Saraay Alshabaab Fariin Adagna Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here