Home Wararka Maanta Dowlada oo Alshabaab ka Dishay 31 Dagaalyahan

Dowlada oo Alshabaab ka Dishay 31 Dagaalyahan

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab lagu dilay deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana howlgalkan si wadajir ah u fuliyay ciidamada NISA iyo ciidamo ajaaniib ah.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Obaale oo hoos taga Mahadaay .

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo doonayay in ay u gurmadaan dagaalyahano kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka kula dagaalamayay deegaankaan Obaale.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor sidaan oo kale xubno badan oo katirsan Al Shabaab loogu dilay howlgal qorsheesan oo hoostaga deegaan kale oo hoostaga degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Deegaan Dhawaan laga Saraay Alshabaab Fariin Adagna Diray
Next articleXamze Oo Maamulka Gobolka Banaadir Kala Hadlay Sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here