Madaxweyne Axmed Madoobe oo Ku amray Xubnaha Jubaland ugu Jira Dowlada Soomaaliya inay Hub iyo Ciidan keenaan

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka kasoo galay Jubaland.

Xubno kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xildhibaanada kala hadlay in xildhibaan kasta uu beesha ka keeno ciidamo iyo weliba saanaddooda hubka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka la qorsheenayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu hubeeyo beelaha maadaama deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedyo lagu hoobtay, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in beelaha ay dagaalka kaga qeyb geli doonaan hubka ay hadda heystaan.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadhow qaadi doonin eeda la xiriirta wixii awood heysi ah ee dhanka federaalka ah haddii aan loo midoobin xoreynta deegaanada Jubaland oo qaarkood si buuxda gacanta ugu heyso kooxda Al-Shabaab.