Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiir Fiqi Oo La Kulmay Cabdi Waayeel Kadib Mudo Kororsigii Galmudug.

Wasiir Fiqi Oo La Kulmay Cabdi Waayeel Kadib Mudo Kororsigii Galmudug.

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamullada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka Alshabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo Ku amray Xubnaha Jubaland ugu Jira Dowlada Soomaaliya inay Hub iyo Ciidan keenaan
Next articleXog: Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antonio Guterres

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here