Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay in deegaanada SSC-Khaatumo aysan ahayn kuwo lagu muransan yahay, isagoo sheegay inay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dowladda ay hoggaamiyaan ay qaadday tallaabo geesinimo leh oo ay ka baaqsadeen madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaayaal hore, kuwaas oo ku guul-darraystay inay si cad u aqoonsadaan jiritaanka SSC-Khaatumo.

“Waxaan rabaa inaan iraahdo, madaxweynayaal iyo raysal wasaarayaal badan oo xaafadda ah ayaa Khaatumo la noolaa xilliyadeedii adag iyo duruufihii ay ku jirtay. Qaar baa warqado qoray oo dhahay ‘Khaatumo waan aqoonsannaynaa’, haddana way ka laabteen. Qaar kalena waxay yiraahdeen: ‘Waa su’aal adage, naga daaya.’ Aniguse warqaddii waan qoray, mana jeex jeexin. Waxaan u dhiibay Axmed Macallin Fiqi, anigoo ku dhahay sheeg,’” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo oo ka qayb gasha shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka ay dalka kusoo kordhinayso talo, aragti iyo caqli muhiim u ah midnimada iyo masiirka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah
Next articleCiidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay