Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad yaasiin oo Muqdisho ku kulmay

Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad yaasiin oo Muqdisho ku kulmay

0

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Galmudug, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha weli taagan ee la xiriira  khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Kulankaan ayaa loo arkaa in uu yahay mid villa Somalia ay ku dooneyso in xal laga gaaro khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee geli kara arrintaas dhowr jeerna isku dayay.

Kulankaan xalay Muqdisho ku dhexmaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Fahad Yaasiin munaasabad ka dhacday Madaxtoiyada uu kula wareegay xilka la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Ad
Previous articleC/raxmaan C shakuur oo Farmaajo ku Eedeeyay inuu Carqaladeenayo Doorashada Goballada Waqooyi ee Somaliland
Next articleMaraakiib dagaal oo ku Soo Wajahan Xeebaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here