Maraakiib dagaal oo ku Soo Wajahan Xeebaha Soomaaliya

Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Jiindaawn Qingdao, oo ku taal Gobolka shiindon Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaana la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah.

Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka argagixisada iyo la-dagaallanka kooxaha burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda.

Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya December 2008.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*