Home Wararka Maanta Madaxda Qaranka oo Maanta Salaada jimcaha ku dukaday Masjidka Madaxtooyada

Madaxda Qaranka oo Maanta Salaada jimcaha ku dukaday Masjidka Madaxtooyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda ayaa Alle ka baryey in uu ka dulqaado dalkeenna abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ay la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, uuna mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto naxariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda Hiiraan oo Cagta Mariyay Saldhig wayn oo Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)
Next articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo Laba Horjeege kusoo Bandhigay Degmada Wisil(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here