Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Cagta Mariyay Saldhig wayn oo Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Cagta Mariyay Saldhig wayn oo Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya shacabka gobolka Hiiraan ayaa kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ku qaaday weerar qorsheysan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Dadka deegaanka oo helay xogta ah in saldhig weyn oo argagaxisada ay ku leeyihiin Buurweyn lagu qorsheynayay dhagarta shacabka, ayaa weerar ku qaaday saakay, waxaana ciidanka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen Buurweyn iyo deegaano kale oo ay dhaca inta u dhaxeysa Jameeco Shiino ilaaa Buurweyn hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sido kale cagta mariyay oo burburiyay Isbaarooyin kooxaha argagaxisada ah ay lacago baad ah dadka uga aruursan jireen.

Ad
Previous articleMareykanka oo tababar u xiray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB (Sawirro)
Next articleMadaxda Qaranka oo Maanta Salaada jimcaha ku dukaday Masjidka Madaxtooyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here