Home Wararka Somaliya Jubbaland Maamul goboleedka Jubaland oo si rasmi ah ugu dhawaaqay weerar ka dhan...

Maamul goboleedka Jubaland oo si rasmi ah ugu dhawaaqay weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

0

Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo looga xoreynayo deegaanada maamulka ee gacanta ugu jira ururkaas.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo billaabay booqashada ciidanka difaaca hore jooga ayaa ku wargeliyey askarta ciidankiisa in la beddalay aragtidii hore oo aheyd in la iska difaaco Al-Shabaab. Wuxuu saraakiisha ciidanka u sheegay in wixii hadda ka dambeeya iyagu inay weerar noqonayaan oo aan intaan ka badan difaac ku jiri karin, sidaasna ay kusoo heshiiyeen isaga iyo dowladda federaalka ah.

Hoggaamiyaha Jubaland wuxuu ciidanka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan weerar lagu qaadaayo Al-Shabaab wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo taliyaasha ciidanku inay imanayaan jiidda hore ee dagaalka.

“Waxaan in badan ku jirnay difaac, waxaan in badan ku jirna dhufeys. Waxaan dowladda federaalka ku heshiinay inaan dhufeyska iska dayno, inaan difaaco iska dayno oo innaga aan noqono kuwa weerarka qaadaya, cutubkaas hadda wuu soo xirmay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Jubaland waxay ku jirtaa maamullada uu dhulka badan ka haysto ururka Al-Shabaab. Jubada dhexe oo ah gobol kamid ah kuwa ugu kheyraadka badan dhulka ay Soomaalidu dagto muddo dheer waxaa ku xukumaayey ururka Al-Shabaab.

Waxaa la sheegaa inuu yahay gobolka ay madaxda Shabaabka badi ku nool yihiin. Maamul goboleedka Jubaland wuxuu hadda ku biiray maamulada go’aansaday inay bilaabaan dagaalka kacdoonka xambaarsan ee dalka looga xoreenayo kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale la kulmay xildhibaanada labada aqal ku matala Jubbaland isagoo iclaamiyey in la isugu yimaado shir looga tashanayo gulufka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Jubbaland inay bilowdo weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay ka dhigan tahay in culeysku ku badan doono kooxda oo hadda la tacaali la’ dagaalada uga socda Galmudug iyo Hirshabelle.

In madaxda sare ee dowladda dhexe ee Soomaaliya tagaan jiidda hore ee dagaalka ayaa iyagana loo arkaa tallaabo weyn oo dhiiragelin iyo ka dhabeyn u noqon karta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta garanaya dhagarta, hannaanka dagaalka iyo hab fikirka kooxda Al-Shabaab, waxa ayna inuu dagaalka toos usoo galo caawin doontaa kacdoonka cusub ee socda. 

Ad
Previous articleKacdoonka Ladagaalanka Alshabaab oo Maantay Ka Bilowday Gobalka Gedo iyo Dagaalo Culus oo Dhacay
Next articleDagaal Culus oo Wali Ka Socda Gudaha Degaanka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here