Home Wararka Somaliya Jubbaland Kacdoonka Ladagaalanka Alshabaab oo Maantay Ka Bilowday Gobalka Gedo iyo Dagaalo Culus...

Kacdoonka Ladagaalanka Alshabaab oo Maantay Ka Bilowday Gobalka Gedo iyo Dagaalo Culus oo Dhacay

0

Ciidamada dowlada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saaka degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay gacantooda soo galeen degaano kala duwan, iyadoo weli uu socdo howlgalka.

Ciidamada dawladda oo ka ruqaansaday degmada Baled-xaawo ayaa qabsaday degaanka Cara-caso, iyadoo xoogagii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa ay isaga baxeen

Wararka ayaa intaas ku daraya in Garbahaarrey Ciidan kasoo baxay ay ku wajahan yihiin degaanka Tuulo-barwaaqo, Sidoo kale Luuq & Buurdhuubo ayey ka baxeen ciidamada dawladda, iyagoo ku wajahan degaano ay Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ay haatan wado dowladda dhexe Soomaaliya oo kaashaneysa shacab hubeysan, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Somalia

Ad
Previous articleSarkaal ciidan iyo dad Shacab ah oo ku Geeriyooday qaraxyo ka dhacay gobolka Hiiraan
Next articleMaamul goboleedka Jubaland oo si rasmi ah ugu dhawaaqay weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here