Deni oo Waayay Codadka Xildhibaanada Jubaland Habeenkii Axada Iyo Sababta oo la Ogaaday(Xog)

Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday Axadii lasoo dhaafay ayaa noqotay si ka duwan sidii la filayey marka la eego habka ay u codeyn doonaan xildhibaanada.

Murashaxiin la islahaa waxay kusoo bixi doonaan wareega koowaad ayaa dib u dhacay, codod murashax ku tashanayay ayaa waxaa urursaday mid kale oo u fududaaday inuu wareega koowaad ugu soo gudbo.

Heshiis ay horay u gaareen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ayaa habeenkaasi buray, markii qaar ka mid ah xildhibaanada Jubaland ee uu soo saaray Axmed Madoobe ay ugu shubeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tallaabadaasi oo filan waa ay ku boqotay Saciid Deni oo tiradii uu filayay ku hungoobay.

Dhabar jabka Saciid Deni uu kala kulmay Axmed Madoobe ayaa dhalisay caro iyo inuu Saciid Deni ku eedeeyo madaxweynaha Jubaland inuu balantii ugu baxay. Waxaa intaas dheer in lix ka mid ah xildhibaanadii Puntland ay codkooda siiyeen Xasan Sheekh Maxamuud.