Home Wararka Maanta Lacag Dhan $100 Milyan oo Wadama Soomaaliya Ku jiro loogu Deeqay oo...

Lacag Dhan $100 Milyan oo Wadama Soomaaliya Ku jiro loogu Deeqay oo lasoo Fasaxay

0

Malaayiin qof oo kunool waddamo badan oo caalamka ku yaalla gaar ahaan qaarada Afrika ayaa xilligan wajahaya gaajo daran iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay abaarta ku dhufatay waddamadaasi qaarkood.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka xilligan ay ka jirto abaarta saameesay dad iyo duunyo badan, waxaana abaarta ka jirta Soomaaliya sababtay in dad badan ku xoolo beelaan halka kuwa kalana kasoo barakaceen dhulkii ay ku noolaayeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay fasaxday lacag gaareysa 100 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah, si ay u caawiso malaayiinta wajahaya gaajo daran, kuwaas oo ku nool dalalka South Sudan, Soomaaliya, Sudan, Nigeria, Kenya, Ethiopia iyo Yemen.

Malaayiin qof oo kunool waddamadaan ay xustay Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin dhoor ah oo is biirsaday ay ku jiraan abaaro iyo colaado, waxaana dalalkaasi kunool malaayiin qof aan heesan waxa ay cunaan.

Afhayeenka OCHA Jens Laerke ayaa sheegay in dalalka Yemen, Koofurta Suudaan, iyo Soomaaliya ay mar horeba ku jireen liiska Qaramada Midoobay ugu yeertay wejiga shanaad ee musiibada xaalad degdeg ah  ayna ka jirto gaajo iyo macaluul daran.

Lacagtan ay fasaxday Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in raashin loogu iibiyo dadka ay abaarta iyo macluusha heeso, waxaana dadka Soomaaliyeed ee xilligan saameesay abaarta aysan helin gargaar ku filan iyo garab istaag.

Ad
Previous articleDeg Deg: Qarax lala Eegtay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal
Next articleGudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka oo u ambabaxay Magaalada Ceelwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here