Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka oo u ambabaxay Magaalada Ceelwaaq

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Muuse Geelle ayaa Kismaayo kula kulmi doono guddiga SEIT ee Jubbaland, isaga oo kala hadli doono dhammeystirka doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha FEIT oo loo galbiyey madaxtooyada Jubbaland ayaa kulan la yeelan doono hoggaamiyaha maamulkaasi oo uu kala hadli doono doorashada 16-ka kursi ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq, kadib markii la xallin waayey arrinta Garbahaarey.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Muuse Geelle iyo xubnaha kale ee la socda ay u sii gudbi doonaan dhanka Ceelwaaq, si ay u qiimeeyaan goobta ay doorashada ka dhaceyso.