Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Deg Deg: Qarax lala Eegtay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal

Deg Deg: Qarax lala Eegtay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal

0

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay xubno katirsan guddiga doorashada heer federaal, qaraxan ayaana ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Qaraxa miino ayaa haleelay gaari nuuciisu ahaa Hilux uu la socday Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federaal, waxaana gaariga xilliga la qarxinayay kusii jeeday garoonka Jowhar uu safar kasoo ahaa Eng Mahad.

Sida aan wararka ku helnay waxaa qaraxan ka badbaaday Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan guddiga doorashada heer federaal, waxaana qaraxa la sheegay in ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo ka ahaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle ayaa degdeg u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano lagu raadinayo dadkii qaraxa miino ka dambeeyay.

Ad
Previous articleNabadoon Yuusuf Dhoore oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Next articleLacag Dhan $100 Milyan oo Wadama Soomaaliya Ku jiro loogu Deeqay oo lasoo Fasaxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here