Kooxda Nabad iyo nolol oo lagu edeeyey in Madaxweyne Farmaajo diideen Baaqiisii

Agaasimihii hore ee Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay taageerayaasha madaxweynihii hore inay dagaal ku bilaaban dowladda cusub ee madaxweyne Xasan.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan u hogaansamin baaqiisi, taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub.

“Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay jeexeen waddo odaynimo oo ah horay halloo socdo, Ra’iisul wasaaruhuna waddadii ayuu raacay sida booqashadiiss laga arkayo. Tallaabooyinkaasina waa kuwo dowladnimada u fiican,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda weerar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo NN ah oo taageera Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxay ahayd in ay baaqa hoggaamiyahooda (madaxweynihii hore) ay maqlaan ee dowladdaan 2-da bilood aan gaarin ay qunjuraafka ka daayaan.”