Turkiga Oo Sheegay inuu Fashilyay Qorshe ay Soo maleegtay iiraan

Sirdoonka Turkey ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday inay fahsiliyeen shirqool ay Iran ku weerari laheyd safiirkii hore ee Israel ee Turkey oo ka dhici lahaa magaalada Istanbul.

Sida ay ku warrameen warbixinada, Iran ayaa qorsheysay inay afduubato dhowr dalxiisayaal oo Israeli ah iyo diblomaasiyiin ku sugan Istanbul oo uu ku jiro safiirkii hore ee Israel iyo xaaskiisa, ayna diyaarisay howlwadeenadii weerarka fulin lahaa – ayada qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta la badbaadiyey waxyar kahor inta aanu weerarku dhicin.

Sirdoonka Turkey iyo booliska ayaa Jimcihii tegay xiray 10 qof oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan xubno meelo fog wax ka toogta iyo dad la shaqeynayey oo ku sugnaa hotelka Sol Hotel iyo guryo kale oo ku yaalla Istanbul.

Kacaaka Islaamiga ah ayaa iska dhigay arday, ganacsato iyo dalxiiseyaal si ay u afduubtaan Israa’iiliyiinta.