Home Wararka Maanta Imaaraadka Carabta oo amray in Soomaalida si toos ah loo siiyo visaha...

Imaaraadka Carabta oo amray in Soomaalida si toos ah loo siiyo visaha Dalku-galka hada kadib

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay Imaaraadka ay fududeyn doonaan sidii ay Soomaalida ku heli lahaayeen dal-ku-galka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Waxa ay uga mahad-celiyeen Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha Jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, islamarkaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

 

 

 

Ad
Previous articleShirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo marki ugu Horaysay lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo
Next articleKooxda Nabad iyo nolol oo lagu edeeyey in Madaxweyne Farmaajo diideen Baaqiisii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here