Home Wararka Maanta Dowladda oo Bilowday Dagaal dhinaca Maaliyadda oo ka dhan ah kooxda Al...

Dowladda oo Bilowday Dagaal dhinaca Maaliyadda oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud , ayaa shaaciyay in la qaadayo dagaal dhinaca maaliyadda ah oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab , si meesha looga saaro awwooda maaliyadeed ee kooxdaasi.

Waxa uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in ciidanka dowladda Soomaaliya bilaabeen dagaal nafhurnimo ah ay kala soo horjeedaan Al Shabaab, waxa uuna xusay in dhankooda qaadayaan dagaal dhinaca maaliyadda ah oo lagu beegsanayo Al Shabaab.

“Sida ay geesiyaasha ciidameenna Soomaaliyeed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaallo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah kooxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaaminayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisda iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonnaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud , ayaa sheegay in dabagal lagu hayo lana baarayo shakhsiyaad uu tilmaamay in ay ku hoolan yihiin dambiyo la xiriira lacag dhaqidda sharci darada ah iyo maalgelinta kooxaha aragagixisada.

“Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maalgelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaa shanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maalgelinayo argagixisada,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono dadka lagu helo lacag dhaqida sharci daradaha, waxa uuna digniin adag u diray dadka garsoorka u doonta Al Shabaab iyo kuwa maalgeliya.

Hadalkan kasoo yeeray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa imaanaya xilli Al Shabaab la sheegay in dhaqaalo ahaan ay kobceen, sidoo kale ay sii kordhayaan dadka deegaanada kooxdaasi ka taliso u doonaya garsoorka.

Ad
Previous articleKhilaaf Xoogan oo See kala Dhexgalay Ciidankii lasocday Farxaan Qaroole
Next articleShaakir oo Ka Dhawaajiyay inay Qayb kayihiin Dagaalka Lagu Qaaday Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here