Home Wararka Somaliya Galmudug Jeneraal Odowaa oo War ka soo saaray dagaal ka dhacay duledka Dhuusamareeb...

Jeneraal Odowaa oo War ka soo saaray dagaal ka dhacay duledka Dhuusamareeb oo Alshabaab lagu Jabiyay

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee maanta nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay isku arruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay inay dileen 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in la burburiyay fariisimo ay isku diyaarinayeen, ayna ku raad joogaan firxadkii ka baxsaday goobtaas.

Ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya qaabka uu dagaalkaas u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dhaqdhaaqyo Ciidan ka wada Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, kaasoo ka dhan ah dagaalameyaasha al-shabaab.

 

 

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale: “Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doono”
Next articleDiyaaradaha Maraykanka Oo Xalay Duqeeyey Degaano Ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here