Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale: “Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi...

Gudoomiye Madaale: “Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doono”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin u dirag ganacsatada qaata Amarada Al-shabaab iyo dadka u raadsada Garsoorka.

Madaale ayaa sheegay in goobtii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-shabaab aan dib dambe loo furi doonin ayna talaabo adag ka qaadi doonaan kuwa arrintaas lagu helo.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doona sidoo kale qof Al-shabaab u garsoor u raadsaday Muqdisho kuma soo laaban doono.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey galabta munaasabad lagu muujinayay doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin ka qeybgal Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa lagu bogaadiyay howlgalka ballaaran ee gobolada dalka looga xureynayo Al-shabaab

 

 

Ad
Previous articleXaalad adag oo ka taagan degaanada Alshabaab dagaalada looga Saaray ee Gobolka Hiiraan
Next articleJeneraal Odowaa oo War ka soo saaray dagaal ka dhacay duledka Dhuusamareeb oo Alshabaab lagu Jabiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here