Home Wararka Somaliya Galmudug Howlgallo xalay laga sameeyay Galkacyo

Howlgallo xalay laga sameeyay Galkacyo

0

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxaa xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan dhinaca Waqooyi ee Magalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhan ahaa kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga.kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay siweyn ugu soo batay Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay Ciidamadu beegsadeen shabakado ka gacacsada Khamriga laga keeno gudaha waddanka Itoobiya, kuwaas oo qaarkood ay gacanta ku dhigeen.

Dad ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen Ciidamada Booliska oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo Guryaha qaar gelayay, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan ogeyn waxyaabo ay kusoo qabteen howlgallada.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Booliska Puntland iyo Kooxo hubeysan oo ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga, waxaana Puntland ay bilaawday howlgallo lagu soo afjarayo Kooxahaas.

Ad
Previous articleDhismaha Jaamacadda Bacaadweyne oo Maanta la dhagaxdhigay (Sawiro)
Next articleTaliyaha Boliiska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole oo Qarax ka badbaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here