Home Wararka Somaliya Galmudug Dhismaha Jaamacadda Bacaadweyne oo Maanta la dhagaxdhigay (Sawiro)

Dhismaha Jaamacadda Bacaadweyne oo Maanta la dhagaxdhigay (Sawiro)

0

Maamulka gobolka Mudug iyo Xildhabaano katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Jamaacada Deegaanka Bacaadweyn ee gobalka Mudug.

Dhagaxdhiga Jaamacadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka Tirsan Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Jaamacadaan ayaa ah Mid wax badan ka badali karta Waxbarashada deegaanka waxaana soo dhaweeyay dadka Degmada Bacaadweyn ee Gobalka Mudug.

Dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabada dhagaxdhiga oo ubadnaa Masuuliyiin ka Tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa si Qota dheer uga hadlay Qorshaha Jaamacaddaan oo la doonayo in Laga hirgaliyo Gobalka Mudug.

Ad
Previous articleGanacsatada Gobalka Mudug oo La amray in Xoolahooda La qaadanayo Hadii ay Ciidamada aysan Garab istaagin
Next articleHowlgallo xalay laga sameeyay Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here