Home Wararka Somaliya Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole oo Qarax ka badbaaday

Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole oo Qarax ka badbaaday

0

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, kaasi oo ka dhacay degmada Hodan.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qaraxas oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu weeraray Taliye Farxaan qaroole oo ah Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir, xili uu marayay agagaarka Isgoyska Banaadir.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaafdir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay xiray Ciidanka Booliska Haramcad.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada, kuwaasi goobta qaraxu ka dhacay looga daad-gureeyay gaadiidka Gurmadka deg dega ah, iyadoona halkaas laga qaaday Meydadka dad geeriyooday.

Dab xoogan oo ka dhashay qaraxa ayaa qabsaday gaadiid u badan Mooto Bajaajyo marayay wadada, xiligii uu qaraxu dhacayay, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayeen saameynta uu geystay qaraxaas oo ahaa mid culus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray gaadiid uu la socday Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qarool, hayeeshee uu qaraxu ka badbaaday Farxaan.

Ad
Previous articleHowlgallo xalay laga sameeyay Galkacyo
Next articleDhageyso Faah Faahinta Qaraxii lala Eegtay Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here