Howlgalkii Kasocday Gobalka Hiiraan oo lasoo afjaray iyo Baladweyne iyo Buulaburde oo laisku Furay

Waxaa lasoo afjaray howl-galkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan sida uu warbaahinta dowladda ka shaaciyay Taliyaha ciidamada dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi.

Inta uu socday howl-galkaan oo loogu magac daray Waabari 2 ayaa waxa lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buulo-burte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

Haddaba, Maxaa xigaya soo afjarista howl-galka Hiiraan?

Taliyaha ciidanka xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay sii balaariyaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.